Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo dhawaan iska casilay xilka wasiir ku-xigeenka gaashandhigga Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay xil kale oo cusub.
Sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/raxmaan Dheere ayaa xilkii uu diiday waxaa loogu badalay wasiir u dowlaha xafiiska ra‘iisul wasaaraha Soomaaliya.
C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo R/W Somalia ay isku af-garteen in xilkan loo magacaabo, isagoo sheegay in magacaabista ay ku timid wadahadal dheer oo dhexmaray isaga iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si rasmi ah iigu magacaabay wareegto uu soo saaray xilka wasiir u dowlaha xafiiskiisa, waana xil aan ku qanacsanahay anigoo ogsoon inaan horay u diiday xilkii la ii magacaabay,” ayuu C/raxmaan Dheere u sheegay warbaahinta.
Wasiirka la magacaabay ayaa xusay in sababta uu xilkan u aqbalay ay tahay in dalka uu u baahan yahay in laga saaro dhibaatadii uu kusoo jiray muddada 25-ka sanadood ahayd.
“Markii uu ra’iisul wasaaruhu arkay xilka aan iska casilay ayuu go’aansaday inuu xilkan ii magacaabay, waxaana doonaynaa in dalka aan dib u soo celino loogana baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay dowladda taageeraan si dalka dowladnimo dhameystiran looga dhaliyo,” ayuu wasiir u dowluhu mar kale yiri.
Wasiir-u-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta lagu hor-dhaariyay xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xubnaha wasiir u dowlayaasha oo horay u ahaa 14 ka dhigaya 15 wasiir u dowle.
Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa wasaaradda gaashaandhigga u magacaabay laba wasiir ku xigeen, taasoo keenta yin C/raxmaan Dheere uu diido inuu xilka loo magacaabay qabto, iyadoo wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca uu ku haray mid ka mida h labadii wasiir ku xigeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]