Jowhar (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu iscasilay mid ka mid ah Wasiiradii shalay Gelinkii dambe uu ku dhawaaqay Hogaamiyaha Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosble.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Cali Xaaji Cabdulle ‘Iskow’ oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.
Wasiirka ayaa sheegay in Beeshiisa aysan mudneyn in loo magacaabo Wasaaradaasi waxa uuna tilmaamay in Hogaamiyaha looga baahan yahay in Wasaaradaasi uu u magacaabo shaqsi kale.
Waxa uu sheegay in Hogaamiyaha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto Liiska uu magacaabay waxa uuna ku baaqay inaan la khaldin beelaha kale ee saluugsan Wasiirada loo magacaabay.
Wasiir Cali Xaaji Cabdulle ayaa noqonaaya Wasiirkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay iscasilaadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

