Diidmadii Axmed Madoobe ee doorashada Farmaajo iyo is-beddelka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waa madaxweynaha kaliya ee maamul goboleed ee ka maqnaa doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu kusoo baxay Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa madaxweynayaal maamul goboleed oo aad loogu tirinayay inay olole u wadeen Xasan Sheikh Maxamuud oo Ethiopia ay dooneysay in markale uu kusoo laabtaa xilka madaxweynaha dalka.

Waxaa xogo aan heleyno ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu dhulka madaxa ka ceshanayay uuna doonayay inuusan kasoo muuqan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Puntland oo u ololeynayay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kusugnaa magaalada Muqdisho xiligii doorashada, waxaana kaliya maqnaa Axmed Madoobe.

Iminka Axmed Madoobe wuxuu kusugan yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna doonayaa inuu ka qeyb gala xaflada Caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.

Waa siyaasi aan inta  badan ay hadaladiisa ku dheehan tahay wadaniyadnimo, balse aan la ogeyn waxyaabaha u qarsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com