Arrin cusub oo kusoo korortay lacagta cusub ee Somalia loo sameynayo

New York (Caaasimada Online) – Sanduukha Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in ay qorshaynayaan in la beddalo lacagta Soomaaliya isticmaasho oo ay ugu danbeysey daabacadeedu ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Shilin Soomaaliga cusub ayaa lagu wadaa in uu dalka soo gaaro sanadkan gudihiis, waxaana ay beddalaysaa lacagta Dollarka ah ee beddeshey Soomaaliga iyo midda faalsada ah ee dalka lagu dhex daabici jirey. sida uu sheegay Samba Thiam madaxa IMF u qaabilsan Soomaaliya.

98% lacagta hadda la isticmaalayo waa mid faalso ah ayuu yiri Thiam´mar uu warbaahinta waraysi ku siinaayey magaalada Nayroobi halka 2% ee soo harey ay tahay mid la daabacay sanadkii 1990 taas oo ah mid aad guudowdey.

Daabacadda lacagta cusub ayaa noqoneysa mid aan badneyn, waxaana ay ka qayb-qaadanaysaa in uu dib u shaqeeyo Baanka dhexe ee Soomaaliya sida uu yiri Samba Thiam.

Hay’adda IMF ayaa Soomaaliya ku leh lacago ku dhaw 4 Bilyan oo Dollar inkasta oo Soomaaliya ay istaahisho oo gaartey deyntaasi heer la cafiyo.

Dhamaan lacagaha faalsada ah ee la daabaco ayaa laga dhigaa kuwo la daabacay sanadki 1990, waxaana ku saxiixan Lacaghaye ama Xisaabiye ay dhici karto inaabu nooleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com