Video: “Hablaheena waxa ay dhihi jireen Siyaad ha dhaco hadana waxa ay leeyihiin Farmaajo ha noolaado”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Faisal Cali Waraabe oo ka hadlaayay munaasabad ay isugu yimaadeen dhallinyarada Somaliland ayaa sheegay in Hablaha Somaliland ay xiligii hore kasoo horjeeden Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Barre.

”Hableheennu waxa ay dhihi jireen Siyaad ha dhaco, maantana waxa ay leeyihiin Farmaajo hanoolaado waxaa heerkaasi na gaarsiiyay maamulka”

Faisal Cali ayaa sheegay in Somaliland ay u baahan tahay Dowlad cusub oo fogeysa waxa uu ugu yeeray qabyaalada waxa uuna tilmaamay in Wasiir waliba ee ka tirsan Somaliland uu shaqaaleysiiyo reerkiisa.

”Laba nin oo midkood waxbartay ayaa shaqo la’aan ah waxaana shaqo lasiinayaa kan aan waxbaran waa qabyaalad”

Faisal ayaa sheegay in taageerada Farmaajo ay sabab u noqotay dhibaatada ay tabanayaan Shacabka Somaliland, waxa uuna eedeyntaasi dusha ka saaray maamulka talada haya ee uu hogaaminaayo Axmed Siilaanyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland ay Baasaboor u doontaan magaalada Garoowe waxa uuna tilmaamay inaanu suuragal aheyn talaabada noocaasi ah.