Wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Somalia oo ku geeriyooday London

London (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisteen waxa xaley magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid eheladiisa marxuum Xaaji Cismaan ayaa muddooyinkii dambe ku xannuusanayay isbitaal ku yaalla London.

Wuxuu ahaa marxuumka wasiirkii maaliyadda ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii isna geeriyooday Aaden Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) wuxuu kaloo ahaa siyaasi caan ka ah Soomaaliya isagoo soo qabqabtay xilal kala duwan.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa ahaa ganacsade caan, wuxuu madax u ahaa  rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo aan wax xil ah ka qaban dowladii milatariga ee uu hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre, waxana uu in mudda ah ku noolaa waddanka Ingiriiska.

Si kastaba, Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si halkaas aas qaran loogu sameeyo.

Sida ay lee yihiin ilmaha uu dhalay Xaaji Cismaan ayaa ku dhintay da’da 92-jirka, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1919-kii, isla markaana waxa ifka kaga tagay 37 carruur ah oo isaga uu dhalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London