Wasiirkii xilka looga qaaday kiiska Qalbi-Dhagax oo hadlay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlahii Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji (Gurxan) ayaa ka hor yimid xilka qadistii uu shalay ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin (Camey).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka looga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Wasiirkan ayaa la sheegay sababta uu xilkiisa ku waayay in ay tahay kadib markii wareysi uu siiyay VOA-da uu kaga hadlay arrinta Sarkaalka ONLF, oo uu sheegay in ka Puntland ahaan ay taageersan yihiin in Dowladda ay (Qalbi-dhagax) ku wareejiso Itoobiya.

“Arrimahaasi war kama haayo telefoono la soo dirayay waan maqlayay, sabab uu Madaxweyne ku xigeenka uu xilka igaga qaado garan maayo, anigu waxaan ka hadlay mowqifkii Puntland oo ahaa wixii ummadda Soomaaliyeed dhibaateynaya in ay ka soo horjeesato, in xilka la iga qaaday iyo in kale ilaa hadda ma haayo.” Ayuu yiri Bashiir Gurxan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku eedeeyey Wasiiru dowlaha shaqada laga qaaday Habdhaqan lid ku ah Hannaanka Dawladnimo iyo masuuliyad daradda uu ku kacay, taas oo ugu dambeyntii shaqada laga qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com