Akhriso: Xil ka qaadis lagu sameeyay qasnajiga guud ee gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Qasnajiga Guud ee Dowladda Hoose ee Muqdisho Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale.

Qasnajiga ayaa waxaa xilka looga qaaday Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi.

Guddoomiyaha ayaa xil ka qaadista Qasnajiga u cuskaday maamul xumo iyo amar diido uu ku kacay kadib markii uu dhagaha ka fureystay tallooyin dhanka shaqada ah oo lasiiyay.

Guddoomiyaha ayaa xilka u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo la sheegay inuu adeer u yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha ayaa dhammaan Xafiisyada maamulka ku amray inaysan la shaqeyn karin mudanaha xilka laga qaaday isla markaana howshaasi looga danbeyn doono Haweeneyda kor ku xusan.