Fadeexad iyo Musuq-maasuq hor leh oo ka taagan Wasaaradda Maaliyadda.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexadda iyo musuq-maasuq hor leh ayaa ka socda Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay ku kacayeen shaqsiyaad ay xigto yihiin Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirixmaan Ducaale Beyle, waxana xog hor leh oo heleyno ay sheegaysaa in qandaraasyo iyo heshiisyo canshuur dhaaf ah oo baal marsan nidaamka Maaliyadda Soomaaliya ay ku kaceen koox isku xiran, iyagoo garab ka helaya Wasiirka Wasaaradda, taas oo ragaadisay hannaankii iyo howlihii ka socday dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimadda ayaa sheegaya in Liibaan Cabsiiye oo adeer u yahay Wasiirka Maaliyadda si hoose u faragaliyey dhaqaalaha ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, isla markaana uu cagajugleyn iyo xil ka qaadis ugu hanjabay masuuliyiinta Garoonka iyo Dekedda, haddii ay bixin waayaan dhaqaalaha uu ka rabo.

“Dhibaato xooggan ayaa ka taagan ilihii dhaqaalaha dalka, taas oo keentay inay isku dhacaan ganacsatadii iyo maamulkii dekedda iyo garoonka, arrintana waxaa sameynaya wiil uu adeer u yahay Wasiirka Maaliyadda oo lagu magacaabo Liibaan Cabsiiye iyo koox la socoto oo raba inay dhaqaale ka sameeyaan”ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiin dekedda oo la hadlayay Caasimadda magaciisana u qariyey sababo amni.

Liibaan Cabsiiye ayaa sidoo kale kamid ah qunsuliyadda Jiddah ee Soomaaliya, una diiwaan gashay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyadoo ay sharciga dalka ee shaqaalaha ay ka hor imaaneyso in hal qof uu ka shaqeeyo labo meelood, xili ay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ka soo baxay ka cabanayaan shaqo la’aan.

Fadeexooyinkan cusub ayaa waxay ku soo beegmayaan, iyadoo horaantii bishii aynu soo dhaafnay soo baxeen warar sheegaya in Wasiirku uu Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ka eryay shaqaalihii Wasaaradda ka hawlgelayay, isla-markaana uu ku soo bedelay dhalinyaro ku heyb ah, oo sida la sheegay uu ka keenay Gobolka Awdal.

AUN Geesigii Soomaaliyeed Sayid Maxamed Cabdulle Xasan  oo halgankii gobonimada caan ku ahaa ayaa  isagoo la yaaban musuqa Soomaalidu wuxuu ka tiriyey gabay dheer oo aan eraydiisii ka sii xusuusto  “Musuq-maasuq Soomaali waa Meheredoodii, Kolba Midab ayay kuula Imaan Maalin iyo Leel”.