Sawirro: Shacabka Muqdisho oo jecleystay bandhiga buugaagta ee Mogadishu Book Fair

Muqdisho (Caasimada Online)- Carwadii Seddexaad ee loogu tala galay bandhigga buuggaagta Muqdisho oo in muddo ah la sugayayay ayaa maanta si rasmi ah looga furey Magaalada Muqdisho, munaasabadii fuiritaanka carwadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay madax isugu jirtey Soomaali iyo Ajnabi, qorayaal caan ka ah gayiga ay Soomaalidu degto, abwaano, qurba joog iyo Boqolaal ka tirsan dhallinyarada wax ka barata Jaamacadaha ku yaala G/Banaadir.

Fadhigii Koowad ee carwadaasi oo si aan la qiyaasi karin loo jecleystay ayaa daaha waxaa looga qaaday aqoonyahano isugu jirey Qorayaal, Tariikh baarayaal iyo Af-yaqaan Soomaaliyeed oo macruuf ka ah gudaha iyo dibadda Soomaaliya.Qorayaashii ka hadlay furitaanka munaasabadaasi waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraaga sheekadii caan baxdey ee MAANA-FAAY iyo Buuggaagta kala ah Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay, Galti Macruuf, iyo Guur Ku Sheeg, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo ah qoraa Soomaaliyeed, Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan da’ yar iyo qoraaga Maxamed Cartan oo doodda u qeybinayay aqoonyahanadii fadhigaasi.

Prof. Maxamed Daahir Afrax oo qeyb ka ahaa aqoonyahanadii lagu maamuusay bilowgi carwadaasi ayaa si qoto dheer uga war bixiyay ahmiyada afka iyo qoraalkiisa, wuxuuna sheegay in afku uu yahay Tiirka Koowaad ee ay aqoontu ku dhisan tahay, isagoo intaasi raaciyay inay ummadda Soomaaliyeed ay leedahay af hoddon ah oo ay ku midaysan tahay, kaasi oo ay Afrika kaga duwan tahay.“Taariiq ahaan afkeena hooyo wuxuu ahaan jirey af oraaheed oo kaliya hase yeeshee waxa uu horumaray markii la qorey farta Soomaaliga, Afar xilli ayuu soo marey hayaankii afka Soomaaliga, marxaladahaasina waxay kala yihiin, xilligii Baraaruga, xiligii Hirgalinta farta iyo horumarinteeda, waqtigii Dib u noqodka iyo daalaa dhaca iyo xilliga aynu hadda joogno oo ah xilligii Bad-baadinta afka“ ayuu yiri .Dr,Afrax oo caddeeyay carwo buuggeedkii ugu horeeyay inay ka soo bilaabatey Dalka Jabuuti sannadkii 2004-dii.Hadal soo jeedintaasi oo aad loola dhacay ayaa ugu dambeyntii Gudoomiyaha AGA waxa uu hoosta ka xariiqay inuu kula da-rdaarmayo ummadda Soomaaliyeed sidii loogu mintidi lahaa illaalinta, daryeelka iyo hal abuurka Af-Soomaaliga.

Dhinaca kale waxa uu ku guubaabiyay dhallinyaradda u soo jeesatay qoraalka buuggaagta inay sii hagaajiyaan buug qoristooda, isagoo halkaasi ka balan qaaday inuu soo dhaweynayo cid kasta oo jecel in gacan laga siiyo qoraalka iyo hal abuurka afka Soomaaliga.
Qaar ka mid ah bulshadii ka soo qeyb gashay carwadaasi ayaa halkaasi su’aalo kala duwan kula wadaagtay Qoraaga Maxamed Daahir Afrax, su’aalahaasi oo u badnaa dhanka afka iyo qoraalkiisa ayuu Barafasoorku si saraaxad leh uga jawaabay.

Carwada buugaagta Muqdisho ayaa socon doonoto inta u dhaxeysa 13, 14 iyo 15 September 2017-ka, waana markii Seddexaad ee carwadaan si xiriir ah loogu qabto Magaalada Muqdisho.