Sawirro cusub: Rasaastii lagu furay Shacabkii ku hor banaanbaxayay Xarunta BFS oo danbi isku rogtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu rasaaseeyay boqolaal dibadbaxayaal ah oo doonaayay inay ku hor banaanbaxaan Xarunta baarlamaanka Somalia.

Rasaasta lagu kala eryay dibadbaxayaasha ayaa waxaa ka dhashay dood gaartay ilaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo arrintaasi la gaarsiiyay ayaa soo jeediyay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo ciidamada u bareeray inay rasaaseeyan dad shacab ah oo ilaalsanaayay masiirkooda.

Taliyayaasha ciidamada Booliska ayaa lagu amray inay soo saaran ciidamada u bareeray rasaaseynta shacabka ee aan hubeysneyn.

Xubno ka tirsan Saraakiisha Booliska ayaa loo xilsaaray inay kasoo jawaab bixiyaan sababta keentay in la rasaaseeyo shacab ka banaanbaxaayay carqalada lagu hayo Xukuumada.

Dooda ugu weyn ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada qaar lagu sii wargaliyay inay fashiliyaan banaanbaxayaasha kasoo horjeeday Mooshinka iyo carqaladeynta lagu hayo dowlada.

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka iyo hareeraheeda ayaa dadkan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, kaddib markii ay soo gaareen dalcada Taalada Sayidka oo ku dhow xarunta Golaha shacabka.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.