Waa tuma Halimah Yacob ,gabadhii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota Singapore ?

Marwo Halimah Yacob ayaa loo magacaabay madaxweynaha cusub ee dalka qaniga ah ee Singapore waxaana ay xafiiska la wareegi doontaa Khamiista (Sep 14), waa madaxweynihii 8 aad ee dalkaas iyo qofkii ugu horeysay oo dumar ah oo Singapore madaxweyne ka noqota.

Waxaa ay ka mid aheyd 3 musharax oo usoo istaagay doorashadda madaxtinimadda laakiin labadii kale Mohamed Salleh Marican iyo Farid Khan ayaa ku haray kala reebtii Isniintii markii ay buuxin waayeen sharuudaha qaar, gaar ahaan arinta saamiyadda shirkadaha gaarka ah ee $500 million.

Waa 63 jir waxaana ay sidoo kale noqotay qofkii ugu horeeyay ee kasoo jeedda qabiilka Malay ee xilkaas qabta mudo 47 sano ah ,inkastoo aabaheed uu ahaa Hindi muslim ah hadana geeridiisa oo ku aadaneyd markii ay Haliimo jirtay 8 sano ayaa sababtay iney toos ugu wareegto reer Hooyadeed oo ah bulshadda loo yaqaano Malay kuwaas oo ay hadda ka tirsantahay waana 13.5% dadka dalkaas, sanadkii 2013 ayey sidoo kale noqotay gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa ay aheyd qofka ugu yar 5 caruur ah, Halimah markii ay 8 sano jirtay ayuu dhintay aabaheed oo ahaa waardiye, hooyadeed waxa ay iibin jirtay rooti.

“Markii aan 10 jirka ahaa ,saacadaha ka baxsan schoolka waxaan caawin jiray hooyadey, alaabta ayaan u dhaqi jiray, miiska ayaan u nadiifin jiray, macamiisha ayaan u adeegi jiray waxaana ahaa qof ku wanaagsan shaqadaas, waxaan ka helay waaya aragnimo badan iyo inaan gacanteyda baro shaqadda joogtada ah ayey ku qortay tixraacaha nolasheeda gaarka ah.

Markii ay ku jirtay fasalka labaad ee dugsiga sare ayey ka baxday dugsiga Singapore Chinese Girls’ School waxaana dhaafay fasalo badan “taasi waxaa ay aheyd mid k mid ah qasaarihii ugu xumaa ee nolasheyda ayey ku sheegtay wareysi ay siisay tv-ga NewsAsia bishii lasoo dhaafay.

Muddo kadib waxa ay ku biirtay Tanjong Katong Girls’ School halkaas oo ay ka qalin jabisay kadib waxaa ay ku biirtay jaamacadda University of Singapore oo ay ka baratay kuliyadda sharciga oo ay xitaa master-keeda ku sameysay.

Siyaasadda iney soo gasho waxaa u ahaa codsi uga yimid ra’iisul wasaarihii xiligaas Goh Chok Tong waxaana 2001-dii ay noqotay xubin Baarlamaan, 10 sano kadib waxa loo magacaabay wasiirka arimaha dibadda ,sidoo kale waxa ay soo noqotay wasiirka arimaha hormarinta bulshadda, dhalinyaradda iyo ciyaaraha.

“In hooyo leh 5 caruur ah ay raadiso boos madaxweyne ma’ahan wax fudud laakiin odeygeyga Mohamed Abdullah ayaa aad iigu taageeray go’aankaan ayey tiri Haliima.

Qofkii ugu dambeeyay ee kasoo jeeda qabiilka Malay ee xilkaan qabta waxaa uu ahaa Yusof Ishak kaasoo xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1965-1970kii, Markii ay kala go’een Malaysia iyo Singapore ayaa dadka loo yaqaano Malay waxaa ay noqdeen dadka ugu tiradda badan Malaysia halka dadka asalkoodu yahay China ay noqdeen dadka ugu badan dhanka Singapore.

Halimah waxaa ay guursatay Mohammed Abdullah Alhabshee oo hadda howl gab ah asalkiisuna carab yahay, waa qoys muslim ah , waxaa ay lee yihiin 5 caruur ah, waxa ay ku nool yihiin guri caadi ah oo ku yaala magaaladda Yishun ee waqooyiga wadanka Singapore.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com