Doodii kiiska Qalbi-Dhagax oo soo dhamaatay iyo guddi lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood Adag oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo dhaamaatay , waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dooda Baarlamaanka ka sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ay aheyd Sharci daro.

Sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay Golaha Wasiiradda Go’aankii ay qaateen in uu sax ahaa.

Gabagabadii kulanka ayaa gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Jawaari uu sheegay in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax sida uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya ayaa dood ka dhexdhaliyay Xukuumadda iyo sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com