30 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ethiopia (Yaa ka dambeeyey?)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 30 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Oramada ee dalka Itoobiya ay ku qaadeen degaanka Hawadaay oo ka tirsan dhulka Oromada Itoobiya.

Dadka Soomaalida ah ee halkaasi lagu dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad Ganacsato ah oo degaankaasi kunoolaa sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana lagu aasay meydadkooda badankood magaalada Jig-Jiga.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen ciidamada Oramada, islamarkaana ay ka xanaaqsanaayeen dad Oromo ah oo horay loogu dilay dhulka Soomaalida  ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com