Wasiiro maanta gaaray degmadii ay ku dagaalameen H/Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho(Caasimada Online)-Wafdi wasiiro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamo ka tirsan beesha Habar-gedir oo uu dagaal kala dhaxeeya beesha Biimaal.

Wasiirada ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo kala jeeda beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegayaa inay saacado ka hor gaareen magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/laahi Goodax barre iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, iyadoo ay ku jireen xildhibaanada kala matalaya labada dhinac.

Ujeeada ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa ah sidii ay kulamo kala duwan ula qaadan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose, si xal buuxa looga gaaro dagaalada kusoo laalaabtay gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degamda Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay inay ku faraxsan yihiin wafdiga xukuumada Soomaaliya, laakiin ay ka sugayaan waxqabad wanaagsan iyagoo dalbaday in cadaalad lagu saleeyo wax walbaa.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasiamda@live.com