27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Wasiiro ka tirsan XFS oo gaaray magaalada Jowhar & Kulamo caawa socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle gaaray wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia.

Wafdiga oo uu diray Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in caawa ay kulamo la kala qaatan Madaxda maamulka iyo Xubnaha labada Gole ee maamulka.

Wafdiga ayaa loo diray si ay fara geliyaan xiisada siyaasadeed ee ka jira Maamulka Hirshabeelle oo gaarsiisan heerkii ugu adkaa.

Wafdiga oo dhowr ka kooban ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.

Socdaalka wafdiga ayaa yimid kadib markii Hogaamiyihii HirShabelle ee xilkiisa waayay uu dowlada Federaalka ah ee Somalia ku eedeeyay inay ka danbeysay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Waxa uu Cosoble si gaara ugu eedeeyay Ra’isul Wasaaraha oo uu sheegay inuu bur burinayo Maamulka Hirshabeelle.

Ma cadda waxa uu noqon doono xalka ay keeni doonaan Wasiirada uu Kheyre u diray magaalada Jowhar oo la ciirciireysa xiisad siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News