Jug culus oo caawa laga maqlay mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka ku dhow dhow degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Laba Dhagax, gaar ahaan agagaarka Sarta Catarka, waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo goobta ka agdhawaa.

Dadka qaar ayaa soo sheegaya in goobta Qarax ay kusii qulqulayeen ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo watay gaadiid.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu aasay wadada hareeraheeda, halka warar kaa ka duwana ay sheegayaan in lagu weeraray gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa maraayay.

Ciidamada NISA oo goobta gaaray ayaa halkaa ka qaaday ilaa laba ruux oo uu soo gaaray dhaawac, halka sidoo kale goobta laga qaaday ruux lagu waday dirin kaa oo aan la ogeyn inuu dhintay iyo in kale.

Geesta kale, Qaraxan, ayaa dareen baqdin leh ku abuuray dadka deegaanka, oo muddooyinkii ugu dambeysay ka nastay qaraxyada sida guud u saameeyay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com