Guddoomiyihii Guddiga Garsoorka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Muqdisho lagu toogtay

Muqdisho (Caasimadda Online) warar hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in la toogtay Guddoomiyihii Garsoorka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cismaan Jaamac diraac.

Sida wararka hordhaca ah xaqiijinayaan kooxo hubeysan ayaa Diraac ku rasaaseeyey meel u dhow gurigiisa uu ka daganaa xaafada Xamar Bile ee Gobolka Banaadir.

Wariye ka tirsan Caasimadda Online oo la xiriiray qaar ka tirsan madaxda Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa loo xaqiijiyey inuu Diraac u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray xabadihii lagu dhuftay kadib markii la geeyey dhaawiciisa Isbitaal Madina.

Cismaan Diraac oo ah nin si weyn looga garanayo Magaalada Muqdisho ayaa ahaa guddoomiyihii garsoorka xiriirka kubadda Cagta soomaaliya, wuxuuna ahaa nin soo saaray garsoorayaal badan oo Soomaaliya matala.

Marxuumka ayaa Caawa wuxuu meydkiisa ku hoyanayaa talaajad taalo Isbitaal Madiina.

Ilaa Hadda si rasmi ah looma garanayo cidda dishay iyo sababta loo dilay, wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socod siin doonaa inshaa Allah.