Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed uu maanta magacaabay ilaa 5 Wasiir iyo 29 Wasiir ku-xigeen.
Wasiirada lamagacaabay ayaa waxaa ka dhex muuqday Madaxweynihii Maamulka Lexda Gobol Madoobe Nuunoow iyo Xubno aan horay looga baran Siyaasada.
Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Shanta Wasaaradood ee la magacaabay ay kamid yihiin:
1-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Madoobe Nuunoow
2-Wasaaradda Haweenka
3-Wasaaradda Gaadiidka, Dekadaha iyo Garoomada
Dhanka kale, Magacaabistaani cusub ayaa waxa ay tirada guud ee Wasiirada Maamulka Koofur galbeed ka dhigeysaa 29 Wasaaradood iyo 29 kuxigeen.
Waxaa la filayaa sidoo kale in bilo kadib Madaxweyne Shariif Xasan uu soo magacaabo Madaxweyne ku-xigeenadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]