“Waxa socda waa ‘i dooro ama aan ku dilo’ ee ma ahan doorasho boob keli ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa markale walaac xoogan ka muujiyey hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay in dalka ay ka socon doorasho boob keli ah ee ay tahay “sharaf dhac qaran iyo in la is quusiyo oo dadka la kala dooransiiyo idooro ama aan ku dilo”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in tartanka doorashada loo diido uddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in la ogyahay waxa uu u soo taray dalka, halka shaqsiyaad tuhmanayaal ah qasab kuraas lagu saaray, sida uu sheegay.

“Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”.” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiga ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay iskaga dhici lahaayeen “dulmiga iyo heeryada duliga”.

“Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen.”

“Waxaana hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa.