Daawo: Jawaari oo ka hadlay diidmada lagu sameeyey inuu u tartamo kursiga HOP103

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay isbaaro siyaasadeed oo loo dhigay, si looga wareejiyo kursigiisa xildhibaanimo.

Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada ayaa sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan.

“Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha meesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu ka tagayo magaalada Baydhabo, maadama laga hor istaagay in uu isku soo sharaxo kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo uu sheegay inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee beesha ay wadato.

“Aniga illaa hadda waxa ahay musharax rasmi ah oo u sharaxan kursiga 103 sugayana in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo daah-furan ayaa diyaar u ahay, illaa taas laga gaarayana sidaasa usoo taaganahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in wada-hadal uu u socdo beeshiisa oo iska leh kursiga go’aanka laga hor istaagay inuu isku sharaxo iyo madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Guddoomiyihii hore ee BFS looga hor istaagay musharaxnimada ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.