26 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

“Waxaa jira SHAQAALE badan oo lagu tunto xuquuqdooda oo aan lasiinin…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir uu ka hor muuqday Golaha shacabka, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar kale oo sheegaya inuu jiro xadgudubyo loo geysanaayo shaqaalaha DF Somalia.

Xeer ilaaliyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu jiro ku xadgudub lagu haayo shaqaalaha rayidka ee Dowladda, wuxuuna sheegay inay hayaan cadeymo rasmi ah oo ku aadan xuquuqda Shaqaalaha oo lagu tuntay iyo qaarkood aanba la siin xuquuqdii ay kulahaayen DF Somalia.

Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu tilmaamay inay hayaan warbixino muujinaya in xadgudub loo geystay shaqaalaha rayidka ee dowladda, isaga oo sidoo kale sheegay inay tusayaan cidii daneynaysa warbixintaasi.

Dhanka kale, waxa uu sheegay inaysan ka jiifan doonin misne ka aamusi doonin shaqaale maskiin ah oo lagu tunto xuquuqdooda ama aan lasiin Mushaaraadkii ay ku lahaayen DF.

Haddalka Xeer ilaaliyaha waxa uu imaanayaa, iyadoo Xarumaha Dowlada ay ka shaqeeyaan shaqaale farabadan oo aan ku dhawaad muddo sanad ah wax mushaar ah lasiin, waana tan keentay in Xeer ilaaliyaha uu dabagal adag ku sameeyo Xafiisyada Dowladaa iyo sida loo kala maamulo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News