Dhageyso: Puntland oo u jawaab kulul siisay Cabdi Qeybdiid kaddib markii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland C/raxmaan Yuusuf Dujaana oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay hadal dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Galmudug Cabdi qaybdiid ee ahaa arrimaha Cunaqabataynta Garoonka Gaalkacyo.

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay ka shaqayso nabad galyada dhulkeeda iyo xuduudaha ay la wadaagto maamulada deriska la ah, Isagoo tilmaamay in Puntland ilaalinayso nabad gelyada dadkeeda cidii khal khal gelisana ay iska difaacayso.

Dujaana ayaa ka hadlay aragtida ku aadan hadal dhawaan ka soo yeeray Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo uu ku sheegay in haddii aysan Puntland nabad dooneyn, isagana uusan nabad rabin.

Dujaana ayaa sheegay inay maamulka Galmudug uga digayaan ku deg degida dagaal la dhex dhigo shacabka gobolka Mudug oo kuwada nool nabad, sida uu sheegay isagoo xusay in Puntland aysan u dulqaadan doonin daandaansi iyo dagaal oogid lagu sameeyo dadkeeda iyo dhulkeeda.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Dujaana

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com