Dhinacyadii ku dagaalamay Galgaduud oo uu ka soo baxay war cabsi abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhinacyadii ka tirsanaa ururka Ahlu sunna ee shalay laga saaray degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ku hanjabay inay weerar kale ku qaadayaan degmada Dhuusomareeb si ay ula wareegaan goobihii laga saaray.

Maxamed Axmed, oo sheegay inuu kamid garabkii shalay laga saaray degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugula wareegayaan goobihii shalay ay ka qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in kooxo hubeysan ay ahaayeen ciidamadii shalay ka qabsaday degmamda Dhuusomareeb ayna dib kaga qabsan doonaan,sida uu hadalka u dhigay.

“Qaar waxay ku sugan yihiin bartamaha magaalada, qaarkalana waxay ku sugan yihiin dhinacyada magaalada, waxaan magaalada ka saareynaa kooxda burcad badeeda iyo ciidamada kale’ayuu yiri Maxamed Axmed oo ahlu sunna ka tirsan.

Wuxuu dhanka kale sheegay in ciidamadooda ay isku diyaariyeen sidii magaaladaasi ay u qabsan lahaayeen, ayna iska soo urursadeen duleedka degmada Dhuusomareeb iyo degmada Guriceel, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka dowlada Soomaaliya ee degmadaasi ayaa shalay sheegay inaysan Ahlu sunna kula dagaalamin magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com