Sawirro: Kulan caalamka iyo Jubaland dhexmaray oo 2 qodob laga soo saaray

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka Magaalada Kismaayo gaaray wufuud heer caalami ah oo ka kala socday midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Wufuudan ayaa islamarkiiba kulan albaabada u xiran yihiingaroonka diyaaradaha kula qaateen Madaxda Maamulka Jubbaland.

Kulankan oo saaka bilowday ayaa waxa uu soo idlaaday abaaro 2:00 duhurnimo, iyadoona markii uu soo gabagaboobay wafuuda iyo Madaxweynaha Jubbaland ay shir Jaraa’id ku qabteen Garoonka Kismaayo oo aheyd goobta uu shirka ka dhacay, waxa ayna ka warbixiyeen shirkooda.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay laba qodob oo kala ah sidii Maamulka Jubbaland looga taageeri lahaa dhanka Amniga iyo Dhameystirka Arrimaha ku xeendaaban Siyaasadda.

Wufuuda ayaa Maamulka KMG Jubba u balan qaaday inay ka taageeri doonaan dhan walba, si maamulka uu u hanaqaado, Inkastoo shirka uu yahay mid aan fari ka qodneyn, waxaana la filayaa in Kismaayo ay gaaran Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Mamaulka Seddexda Gobol ee Koofur Galbeed Somalia.
2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com