Dhaq-dhaqaaq muujinaya magacaabis R/W cusub oo Villa SOMALIA ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia, ayaa sheegaya inay halkaas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo la xiriira magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madxatooyada Somalia ayaa waxaa hadda buux dhafiyey xildhibaanno iyo dad kale oo arrinta ra’iisul wasaaraha xiiseenaya, iyo kuwa xilal doon ah.

Waxaa sidoo kale socda wada-tashigii ugu dambeeyey ee la xiriira magacaabista ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayada oo joogaa madaxtooyada xubnaha kooxda Damu-Jadiid oo idil.

Warar ay heleeyso Caasimada Online ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Somalia uu Madaxweynaha u Magacaabi doono Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ah safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u yeeray qaar ka mid ah xubnaha doonaya xilka ee codsigooda la aqbali waayey, si uu ugu sheego in xilka uu la doortay qof kale.

Lama yaqaan, xilliga sida rasmiga ah loogu dhowaaqi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaase loo maleynayaa inuusan waqti badan ka harin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com