Arin aad looga hadal hayay Galgaduud oo la beeniyay iyo CIRFO oo hadlay !!!

Galgaduud (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye “Cirfo”, ayaa kahadlay xaalada guud  deegaanadii maalin kahor ay ku dagaalameen ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Gudoomiye Cirfo oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Galgaduud,  ayaa sheegay in amaan ay tahay deeganaadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowlada ee Dhuusomareeb iyo Degmada Guriceel.

Wuxuu sheegay inay adkeeyeen amaanka degmada Dhuusomareeb oo ay ku sugan yihiin ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna oo isku dhinac ah, sida uu sheegay.

“gobolka gaar ahaan deegaanadii lagu dagaalamay wey nabdoon yihiin, waxaan ka xunahay waxii ka dhacay Dhuusomareeb iyo Guriceel, qof kastaa oo nabadda ka qeyb qaadan kara waa arin wanaagsan, waana ka xunahay waxii dhacay,”.ayuu yiri gudoomiye Cirfo.

Dhanka kale gudoomiyaha wuxuu ka hadlay warar sheegaya in la xiray garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolka Galgaduud, ayna saameeyeen colaadaha ka taagan gobolkaasi.

“Ma hayo meel lagu xeray garoomada magaalooyinka gobolka Galgaduud, waxaan u sheegaynaa shirkadaha diyaaradaha iyo dowlada Soomaaliya, in dhamaan shanta garoon ee galgaduud inay furan yihiin”.ayuu yiri gudoomiye Cirfo.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com