Safiirrada in ka badan lix dal oo gaaray Kismaayo (Waa maxay qorshahooda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku qulqulayaan safiiro ka socda Caalmak.

Wararku waxa ay sheegayan in qaar kamid ah Safiiradaasi ay iminka halkaasi gaaren, islamarkaana ay kulamo kala duwan la qaadanayaan madaxda maamulka KMG ee Jubba.

Waxaa kamid ah Safiirada halkaasi hadda ku sugan Norwey, Sweden, Denmark, Uk, France, Holland iyo Madax ka socota urur Goboleedka IGAD iyaga oo halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn balaaran.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu Magaalada Kismaayo ka furmo shir balaaran oo xubnahaan ay la qaadan doonaan madaxda Jubba, waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid ah, wixii u qabsoomay xagga amni iyo sidoo kale dhameystirka maamulka Jubba
Dhanka kale waxaa xusid mudan in maanta magaalada Kismaayo uu dib ugu soo laabtay madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe, isaga oo ku maqnaa dalka Isku taga Imaaraadka carabta.

Madaxda dalkaasi ayuu kala soo hadlay arimo ku saabsan dhismaha ciidamada maamulkaasi iyo ka qeybqaadashada wax ka qabashada arimaha Bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com