Kashifaad: 19 wasaaradood oo musuq maasuq lagu helay & Sir qarsoon oo..

Muqdisho (Caasimada Online)- Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, oo maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay sir qarsooneyd oo ku aadan in musuq maasuq ay sameeyeen wasaarado ka tirsan xukuumadii C/welli.

Xildhibaanada baarlamaanka ee su’aalaha weydiinayay xeer ilaaliyaha qaranka ayaa gaarayay 142 mudane, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay baaritaan ay ku sameeyeen wasaarada xukuumadii C/welli ay ku ogaadeen in 19 kamid ah ay sameeyeen musuq maasuq dhaqaale, wuxuuna sheegay in midda ugu yar ay lunsatay 5 ilaa 6 milyan oo doolar, sida uu hadalka u dhigay.

“inay jirto ku tagri fal awoodeed, baaris aan sameynay waxaan kusoo gabogabeynay 19 wasaaradood oo musuq ah iyo afar hayadood, dhamaantood mid anaaneyn kasugnaanin musuq baahay, ku tagrifal awoodaha oo baahay ma jirto”.ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowraha qaranka ayaa dhawaan amar ay soo saareen waxay ku xereen agaasimihii wasaarada haweenka xukuumada Soomaaliya, kaasi oo markii dambe damiin lagu siiyay.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku eedeynaya xeer ilaaliyaha inuusan sharci u laheyn inuu soo saaro wareegtada ku aadan in wasiirada xukuumadii C/welli aysan dalka ka dhoofi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com