Xubnaha doonaya XILKA R/W oo VILLA Somalia kusoo arkay arrin ka yaabisay

Nairobi (Caasimada Online) – Sii haayaha Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka DF Somalia Faarax C/qaadir ayaa waxaa la soo warinayaa in uu ahaa ninkii qabanayey codsiyada Mas’uuliyiinta u taagan qabashada xilka Ra’isulwasaarenimo ee dalka.

Faarax oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan, ayaa waxa uu hadda faraha kula jiraa shaqooyinkii uu qaban lahaa Madaxweyne Xasan waxa ayna arrintaani fajac galisay Mas’uuliyiintii rajada ka qabay qabashada xilkaasi.

Faarax waxa uu sidoo kale qaadayey Wareysiyada lala yeelanaayo musharixiint haminaaya in midkood uu kusoo baxo Ra’isul wasaaraha.

“Waxaan tagay madaxtooyada, waxaa codsiga iga qabtay Faarax, balse waan ka diiday inuu wareysto, waayo taas waan aqbali waayey” ayuu yiri mas’uul ka mid ah kuwa doonaya xilka ra’iisul wasaaraha oo codsaday inaan la magacaabin.

Sidoo kale, waxa uu xilka Ra’isul wasaarenimo la damacsan yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Faarax C/qaadir, waxaa lagu xantaa inuu yahay Madaxweyne qarsoon marka la eego Awoodiisa oo hadda si aad ah looga dhex dareemayo Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com