Xog: Faarax C/Qaadir oo doonaya 2 xil

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in  Faarax C/Qaadir uu xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo ka doonayo inuu laba xil ka qabto.

Wararku waxa ay sheegayaan in Faarax C/qaadir uu Madaxweynaha dalka ka codsaday  xilka R/wasaare ku-xigeen iyo Wasiir, waxa uuna farta ku goday in dalabkaasi yahay mid uu ula gun leeyahay xakameynta wasaaradaha Xukuumada cusub, uuna aad ugu dhowaado ra’iisul wasaaraha cusub.

Faarax oo aad ugu dhow Xasan Sheekh, ayaa waxaa lagu warramayaa in loo magacaabi doono ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka dastuurka.

Wasaarada dastuurka ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh kooxda Dam-Jadiid, sababo la xiriiro is-beddelo ay doonayaan inay ku sameeyaan dastuurka si ay xukunka ugu dheereystaan.

Faarax C/qaadir ayaa ah mas’uul lagu tilmaamo inuu yahay Madaxweyne qarsoon marka la eego awoodiisa qarsoon iyo tan muuqata, oo hadda si aad ah looga dhex dareemayo hay’adaha fulinta dalka, waxaana mar waliba suuragal ah in loo magacaabo xilka uu dalbaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com