Xog: Dagaalladii Galgaduud oo lugaha la galay VILLA SOMALIA iyo qorshaha

Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ee ka soo jeedo Gobolada Dhexe, ayaa si kulul kaga hadlay dagaaladii labadii maalmood ka kala dhacay Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud, ayaa waxa uu Dowladda Somaliya dusha kaga tuuray masuuliyada dagaalada Gobolka Galgaduud, isagoona ujeedada laga lee yahay ku sheegay in dagaalo laga abuuro, goobo nabdoon, sida uu yiri.

“Dagaalka Gobolka Galgaduud waxaa laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliya, sababtuna waxaa weeye in deegaano nabdoon colaado laga abuuro.” Ayuu yiri Prof. Saciid Ciise Maxamuud.

Prof. Saciid oo la hadlay qaar ka mid Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dagaalo laga abuuro Magaalooyin, ay xasilooni ku heystaan dadka ku nool.

“Waa wax laga xumaado in Dowladdu dagaal ka huriso Magaalooyin xasilooni iyo amniba ay ku nool yihiin bulshadeeda, waana waxaan cambaareyneyno.” Ayuu yiri Prof. Saciid Ciise Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Dowladda Somaliya ugu baaqay in si deg deg ah ay ku joojiso xiisada ay ka abuureyso Gobolka Galgaduud, haddii aynaan wax dani ah ugu jirin shacabka ku dhaqan.

Hadalka ka soo yeeray Prof. Saciid, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli bulshada Gobolada Dhexe ku baaqeyso inaanay soo noqon dagaaladii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com