C/WELI GAAS oo looga yeeray Ethiopia

Garoowe(Caasimada Online) – Wafdigan oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa qabanqaabada safarkiisa uu ku tagayo dalka Ethiopia waxay ka socotaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland looga yeeray magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la filayaa inay ka dhoofaan magaaladaasi.

Qorshaha safarka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay kulan uu la qaadanayo masuuliyiinta dowlada Ethiopia.

Sidoo kale waxaa la qorsheynayaa inuu kala hadlo masuuliyiinta dowlada Ethiopia xiriirka kala dhaxeeyo dowladaasi, maadaama maamulka uu hogaamiyoo C/welli Gaas uu sanad jirsaday.

Safarka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa qeyb ka noqonaya safaro uu ku tagi jiray magaalada Addis ababa si uu adkeeyo xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com