”Waxan orankaraa Muqdisho hadda ayey gaartay gurashada miraha amniga waxaana dhamaaday isku dhac”

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise, ayaa daboolka ka qaaday in Somalia ay ka xoroobeyso dhaqanka isku dhexyaaca ciidamada.

General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in isku darka ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska ay waxbadan ka bedeshay hanaanka amni ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in laga gudbay isku dhexyaaca ciidamada xiliyada ay dhacayaan howlgalada, waxa uuna carab dhabay in xiligaani uu wanaagsan yahay howlgalka maadaama la mideeyay labada ciidan.

General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu tilmaamay in markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, hase yeeshee iminka laga gudbay ciidankuna uu yahay hal ciidan oo qura.

“Waxaan ka gudubnay isku dhacyada ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ee gudaha magaalada, hadda ciidamadu waa hal jiho qura waxa ayna ku shaqeyn doonaan hal amar oo kaliya”

Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan.

“Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga”.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badneyd ee heysatay ciidamada ay aheyd isku dhaca, balse iminka leyskala gudbay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dowlada Somalia talaabadani laga doonaayay xili hore, hase yeeshee xiligan la doonaayo in la dhaqan galiyo keliya nidaamka loo bareeray.

Haddalka General C/laahi Xasan Bariise,ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho kuwaa oo kala taabacsanaa Hay’ado kala duwan oo is midab faquuqayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com