Faallo: Magacaabista Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, kahor dhamaadkii bishii shanaad ee Maajo 2017-ka xiligii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka loomagacaabay mudane: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Soomaaliduse usoo gaabsato “Fahad Yaasiin”, ayaa agaasimihii hore ee xafiiska warfaafinta Raysalwasaarihii hore: C.C.C. Sharmaarke: Diraac Salaad Fagaase, wuxuu maqaal ciwaan uga dhigay: “Ar Fahad Yaasiin iigeeya!”.

Ciwaankaa wuxuu dabayaallay ereyadii caan-baxay ee C/llaahi Maxamuud Cismaan (Daanyeeroow) ee ahaa: “Ar Farmaajo iigeeya!”.

Waxaa ereyadaa lagucabirayey, awooda uu dowladan kudhex leeyahay Fahad Yaasiin. Mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa, ninka ugu awooda badan dowladan, ama ugu yaraan mid ka mid ah, labada mas’uul ee ugu awooda badan dowladan, marka Madaxweynaha lagasoo taga, waa: Isaga iyo RW Kheyro’e.

Sida muuqata wuxuu maamulka hadda jira iyo Madaxweyne Farmaajaba ujoogaa, meeshii uu mudane Faarax C/Qaadir ujoogay MD Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisii.

Rag badanoo xilal waayey oo afka furtay, waxeey si dadban ugu tilmaameen erayo yaab leh, sida:”Faraantiga Jinni ee Madaxweeynaha ugu jira!”. Qaar kale waxeey dheheen “Milkiilayaasha Dowlada”… iwm.

Marka aad tilmaamahaa iskusoo wada duubto, waxaa nuxurkoodu yahay, inuu yahay nin awood badan ku dhexleh xukuumada maanta jirta.

Dhanka kale qofka wanaagiisa waa looqiraa, oo lagama xasdo kartidiisa Allaah siiyey.

Fahad Yaasiin waa nin aad siyaasada ugu galgal badan.Waxaa lagu sheegaa inuu qeyb aad uweyn kulahaa, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jagadaa kusooboxo, illaa magaciisa lagusoo qaatay warbixintii Qaramada Midoobay, ee lagu sheegayey inuu dhaqaale malaayiin Doollar ah, ugakeenay MD Xasan Sheekh Maxamuud dalka Qatar, si uu tartanka ugu galo. Sababtu waxeey ahaataba, waa lakala booday isaga iyo MD. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisii Damjadiid.

Waxaa sidoo kale uu kaalin libaax ku lahaa, inuu mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) noqdo Madaxweynaha dalka. Madaxweeynaha hadda jirase ma noqon sidii MD Xasan Sheekh Maxamuud, oo lama kalaboodine weey isfahmeen. Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey, una magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa Fahad lagu sheegaa inuu yahay nin maamul-yaqaan ah, waana tan ugu muhiimsan tilmaamaha uu leeyahay.

Waxaa mucaarad iyo muxaafidba wada qirayaan, inuu Madaxtooyada oo inta aan loo magacaabin aheyd meel isku dhexyaacsan, kadhigay meel leh maqaam Madaxtooyo. Tusaale ahaan; inta aan Fahad Yaasiin loomagacaabin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, dadbaa iska dhexdaganaa qeybo badanoo Madaxtooyada kamid ah, markuu yimidse Madaxtooyada waxeey noqotey, meel eey Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo kaliya daganyihiin.

Dhismayaashii shalay la iska daganaana, wuxuu kawada dhigay xafiisyo qalabeeysanoo lagu shaqeeyo, gaar ahaan Lataliyeyaasha Madaxweynaha oo xafiisyo loowaayey, ayaa xafiisyo kufilan una qalma loowada helay.

Tusaalaha labaad; Waxaa sidoo kale jirtay, in Madaxweyneyaasha eey ballan la’aan isaga imaan jireen, loona galinjiray marka eey madaxda beesha caalamka, kuwa AMISOM, Odey-Dhaqameedyo, ganacsato, iyo Xildhibaano doonaya uyimaadaan, taa waxaa ugu dambeeysey maalintii Fahad Yaasiin lamagacaabay.

Qurxinta bilicda, iyo qalabeynta madaxtooyadana weey usii dheereeyd. Intaa waa qeeybo kamid ah, waxa loogu qiray isbadalka lataabankaro ee uu Madaxtooyada kasameeyey.
SAXAAFAD-AQOON AAN SAXAAFADA LAGU ARAG!

“Saxaafada qofka yaqaan, kuma degdego” maxaayeelay iyadaa markeey doonto dadka iskiin tusta. Fahad Yaasiin waa xeel-dheele dhanka saxaafada ah. Wuxuu madax-sare ka ahaa taleefishinka caanka ah ee Al-Jazeera, oo uu madax uga ahaa xafiiskeeda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lawada ogyahay, sidii uu xilka uqabtay, waliba isagoo awood badan lagu xanto, hadana ma aha nin saxaafada kasoo dhex muuqda, iyadoo eey kuusii dheertahay, in dowladan si aan sax iyo cadaalad toona aheyn loogu dacaayadeeyo “Igusawir”.

Fahad Yaasiin waa dadka daaha gadaashiisa wax kamaamuloo kashaqeeya, oo waxqabadkiisa uu uhadlo. Horaa Soomaalida waxeey utiri, “Dhurwaaga/Waraabaha kiisa qeeyliya, iyo kiisa aamusan, waxaa daran kiisa aamusan!”.

Waa waxa ninkan aan la aragba, oo saxaafada aan kasoo dhexmuuqan, rag badan uga qeeyliyeen.
XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA!
Wuxuu Shalaly oo ay  taariikhdu ku began tahay 16-da August, 2018-ka Madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA).

Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan, iyo isqabqabsi uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo.

Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada, uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu si hufan umaamulidoono, isuguna dubadhiridoono. Waxa loobaahan yahay waa maamul xufan.

Xirfada sirdoon saraakiisha aqoonta uleh ayaa qabanaya. Howshiisu waa maamul, hagid iyo hogaamin.

Waxaa sidoo kale loobadinayaa inuu noqondoono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA). Waa marka uu isaga diyaar unoqdo’e.

Hadase wuxuu ubaahan yahay waa waqti uu kukala fahmo waxbadanoo NISA kusaabsan, malaha waana meesha uu sucdo. Waa hubaal inuu uqalmo xilka loo magacaabay.Hambalyo iyo guul ayaanu leenahay. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.