Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa weerar ku qaaday guriga Gudoomiyaha gobolka Sool Mustaf Cabdi Ciise.
Guriga Guddoomiyaha ee la weeraray ayaa ku yaalla magaalada Laas-caanood, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay Dagaal culus.
Ilaalada Guddoomiyaha ayaa lasoo warinayaa in Dagaalka ay waxyeelo kasoo gaartay, inkastoo aan wali la xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha.
Waxaan la ogeyn cida ka danbeysay fulinta weerarkaasi, waxaana iminka socda baaritaano ay Ciidamada wadaan.
Dhanka kale, weerarka ayaa waxaan wali ka hadal maamulka magaalada Laas-caanood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

