Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada ay Mareykanka ka degan yihiin duleedka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in galabnimadii maanta uu weerar Ismiidaamin ahaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo uu fuliyay dhagarqabe naftii halige ah ayaa waxaa lagu qaaday xero duleedka Kismaayo ay ku leeyihiin Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Danab ee Xooga dalka.

Dhagarqabaha weerarka fuliyay ayaa la xaqiijiyay inuu kaxeynaayay Gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaa oo uu ku dhuftayxerada.

Wadaha aya markii hore la sheegay inuu isku dayay inuu gudaha u galo xerada oo ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah, waxaana xusid mudan in ciidamada ku dhamaaday weerarka ay yihiin kuwa Kumaandooska Soomaalida oo ilaalo ka ahaa goobta uu gaariga ku Qarxay.

Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka.

Saraakiisha waxa ay sheegen in Jugta Qaraxa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Gobolka Jubada Hoose, waxaana jira warar sheegaya in duleedyada Kismaayo laga arkayay uurada uu sameeyay Qaraxa oo markaliya Qiiq hawada isku shareertay.

Dhinaca kale, halka weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay ayaa aheyd meeshii shalay Dowladda Mareykanka looga dilay halka askari iyo dhaawaca Afarta kale.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com