Weerar ka dhacay xabsiga dhexe ee Laascaanood iyo maxaabiis lagala baxay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ragg hubeysani ay weerar ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaladaasi, iyagoona kala baxay maxaabiis ku xirneyd.

Maleeshiyadan hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga dhexe, kuwaasi oo si xoog ah ugala baxay xabsiga saddex maxbuus oo dhawaan lagu soo xiray xabsigaasi, sida dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Saddexda maxbuus ayaa dhawaan waxa gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska Somaliland, kadib weerar ay ku dileen labo ruux, kaasi oo ka dhacay deegaan dhanka koonfureed ka xiga magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka maanta lagu qaaday xabsiga dhexe ee Laascaanood inay qeyb ka ahaayeen odayaal dhaqameed, isla markaana gacan weyn ka geystay in ragga hubeysani ay la baxaan saddexdaasi ruux.

Waxaana lagu soo waramayaa in maleeshiyadii la baxday maxaabiista ay la aadeen magaalada Kala-beyr ee dhanka Itoobiya, iyaga oo sitay meydadka labadii marxuum ee la sheegay inay dileen maxaabiista lala baxay.

Xaalada guud ee magaalada ayaa maanta kacsan kadib weerarkaasi ka dhacay xabsiga, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka Somaliland oo ku aadan weerarka maanta lagu eekeeyay xabsiga dhexe.