Maxaa looga hadlay kulankii BIIXI iyo safiirka Taiwan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Taiwan iyo wafdi ka tirsan xukuumadaasi oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Allen C. Lou ayaa kulankoodaasi lagu lafo-guray xiriirka curdinka ah ee labada dhinac iyo sidii ay Taiwan uga caawin laheyd Somaliland mashaariicda horumarineed, caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada-hadlay adkeynta xiriirka labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka, iyadoo lagu soo hadal qaaday doorka Taiwan ee biyo balaarinta magaalooyinka.

Wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday is-afgarad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo Taiwan dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii sanadkan wada gaaray heshiis iskaashi, iyada oo 1-dii bishii July ee sanadkan ay isku raaceen inay is-dhaafsadaan wakiillo, iyagoona kala magacaabay waxay ugu yeereen safiiro.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, halka Taiwan uu iyadna Shiinuhu sheego inay ka tirsan tahay dhul-weynihiisa.