Talo ku socota Madaxda D/Goboleedyada – Hasha kuu godlan lama gowraco

Qof kasta oo Soomaali ah waa uu ka warhayaa in doorasho ay dalka ka dhici doonto, hase yeeshe su’aasha taagan ayaa ah doorashadu waqtigeedii maku qabsoomi doontaa?

Wali guddi lama dhisin, Ra’iisulwasaaraha waxa uu qoray warqad uu dowlad goboleedyada dalka uga codsanayo in ay soo gudbiyaan xubnihii guddiga doorashooyinka uga mid noqon lahaa ee horey loogu heshiiyay taas oo ay u muuqato in dib u dhac ku keeni doonto jadwalkii horey loo qorsheeyey.

Hadda waxaa meesha ka muuqda in doorashada aan raali laga wada ahayn haba ugu darnaadee madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee doonaya in dib loo soo doorto. Caqabadda haysata ayaa ah in sida caadada ah madaxweyne horey loo doortay dib uusan u soo laaban. Tani waxaa sabab u ah in ballan qaadyada ay qaadaan aysan fulin, si gaar ah ballan la galka shaqsiyaadka marka ay doonayaan in ay kursiga ku fariistaan iyo weliba tan guud oo aysan sidii ay ugu ballan dhigeen uga soo dhallaalin.  Madaxwayne Farmaajana kumaba sii jiro!

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu abuurtay collaad aad u badan, sida dowlad goboleedyada, shaqsiyaad saamayn ku leh siyaasada Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha Mucaaradka oo aysan jirin mid uu xiriir dhow la leeyahay. Wada shaqeyn la’aantan ayaa isku horgoyneysa hankiisa la xiriira in marlabaad dib loo doorto, iyadoo ay suuragal tahay in uu helo doorashada soo socota codad aad u yar maadama uu yahay shaqsi aanan ballanta ku wanaagsaneyn. Taasina waxa ay muujinaysaa sida uu bannaanka u dhigay dadkii u halgamay markii uu musharraxa ahaa, kuwaas oo hadda u garab ah musharixiin kale oo ka soo horjeeda Mr. Farmaajo.

Maamul goboleedyada iyo Dowrkooda Doorashada

Maamul goboleedyada ayaa saamayn weyn ku leh doorashada la filayo in ay dhacdo sanadka soo socda. Waxaa macquul ah in kuraas xildhibaano badan ay ku fadhiyaan maanta aan dib loogu celin isla shaqsiyaadkaas, taasi oo sababteedu tahay in dowlad goboleedyada qaar aysan xiriir wanaagsan la lahayn xildhibaanada ku matala labada aqal ee Baarlamaanka.

Tusaale ahaan, Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan ognahay in doorashadii ka dhacday 2016-kii lagu soo saaray xildhibaanno badan si musuq ah oo kacdoonkii ka dhashay uu aakhirkii galaaftay Cabdikariim Guleedkii berigaas Galmudug xukumayay. Haddaba, madaxweyne Qoorqoor-ka Galmudug maanta jooga waa muhiim in uu cashir ka barto taariikhda iyo wixii horey u soo dhacay, waa haddii uu dan ka leeyahay ku dhex jirka siyaasada Soomaaliya. Sidoo kale, waa in ay cibro qaadasho ugu noqotaa kuwii horey qaabka musuqa ah xildhibaano looga dhigay in maanta ay dadkoodii sanka ka haystaan.

Marka laga tago Guuleed-kii Galmudug, waxaa iyana kursi boobkii ay sameeyeen sababsaday Gaas-kii Puntland, Shariif Xasan-kii Koofur-Galbeed, & Cosoble-hii Hirshabele. Nabsigii dabeysha ayaa ku dhacay iyagoo laga yaabo maanta in ay ka shalaaynayaan musuqii shalay ay gacmahooda ku fuliyeen.

Haddaba, Mudane Qoorqoor, ku waana qaado wixii shalay raggaas galaaftay oo noqo luquntii labada garab u dhaxaysay oo caddaalad samee.  Caddaaladda ayaa shaqsiga u horseeda hormar. Fadlan qofna ha xumayn, hana ugu hiillin xaqdaro.

Taladu Qoorqoorka Galmudug oo keliya ma ahan ee waxay waano u noqon kartaa Dani-ga Puntland, Lafta-gareenka Koofur-Galbeed, Axmed Madoobaha Jubbaland iyo Madaxweynaha soo socda ee Hirshabelle.

Caadiyadan Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah in ninka kursiga ku fadhiya uu qarash badan ku bixiyo sidii uu u soo saari lahaa shaqsi ay u badan tahay inuusan isaga dooran berrito. Tusaale waxaa kugu filan kuwii shalay qarashka badan ku bixiyay shaqsiyaad ay ku soo saareen si musuq ah in ay markii danbe ka waayeen codadkoosa oo ay ugu shubeen musharaxiin kale.

Dowrka Dhallinyarada

Kaalinta dhalinyarada ee doorashada sanadka soo socda waxa uu noqonaya mid muuqda. Dhallinyaro badan ayaa horey ugu fashilmay siyaasadda kuwaas oo ku idlaystay muddo xileedkoodii hor istaaga xafiisyada oo laga siiyo wax yar oo sandareero ah. Laaluushkaas kooban ayaa ka hor istaagaya in ay ka fekeraan hormarinta dhallinyarada dalkeenna oo lagu qiyaaso 75% in ay ka yihiin bulshada.

Haddaba, dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta fursadda haysta lagana yaabo in ay ku soo baxaan kuraasta baarlamanka soo socda, waxaan kula talinayaa in ay dalka iyo dadka u dooraan shaqsi u turi doona waxna u tari kara, islamarkaana ka shaqeyn kara hormarinta iyo kobcinta dhallinyarada.

Mohamed Ali Axmed – Waxaad kala xiriiri kartaa, email: canshuur1@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid