25.4 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Weerar khasaaro nafeed geystay oo ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar lagu laayay dad shacab ah.

Weerarka oo ahaa mid khasaaro kala duwan uu ka dhashay ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay saarnaayen dad Shacab ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Saaxo ee gobolka Mudug, xili dadka la weeraray ay kusii jeeden degaanka Bandiiradleey, waxaana la sheegayaa in weerarka ay geysteen Kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka mid ahaa dadkii Gaariga Saarnaa.

Weerarka oo aan ilaa iyo hadda la garan waxa uu salka ku hayo, ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii la basaasay gaariga la rasaaseeyay.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili mudooyinkaani danbe gobolka Mudug ay kusii kordhayeen weerarada noocaasi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News