25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Weerar lagu qaaday Hotel ay degnaayen ergooyinka soo xulaaya Xildhibaanada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerareen qaar kamid ah Ergooyinka soo xulaaya Xildhibaanada maamulka uu ku yeelan doono Baarlamaanka cusub.

Ergooyinkaani la weeraray ayaa la sheegayaa in xiliga weerarka ay ku sugnaayen mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Garowe kaasi oo ay deegaan ku ahaayen.

Ujeedka weerarka ayaa ahaa mid lagu bartilmaameysanaayay tirro Ergooyin ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qalinka ku kala dileen Musharaxin u loolameysay xubinimada Baarlamaanka.

Weerarka ayaa la sheegay inuu socday ku dhawaad 11 toban daqiiqo, mana jirto Khasaaro ilaa iyo iminka halkaasi ka dhashay, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in weerarka uu waxyeelo kasoo gaaray dad ku sugnaa Hoteelka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaasi lagu qaaday Ergada degneyd Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News