Weerar qarax oo ka dhacay Gaalkacyo + Khasaaraha

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay weerar loo adeegsaday qarax, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada lala eegtay, xilli ay howl-gal ka wadeen magaaladaasi, gaar ahaan agagaarka skuulka Cumar Samatar.

Ugu yaraan 2 qof  askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 8 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa baaritaano dheeraad ah qarax, kaddib ka sameeyey xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mudddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo dhinacyadeeda koonfur & waqooyi ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.