GUULEED oo shaaciyey sababta ay u kordheen weerarada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashax madaxawyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka,  gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah. 

Guuleed ayaa ka tacsiyeyay dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, waxaana uu carrabka ku dhuftay in madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquuleen arrimaha siyaasadda iyo doorashada, taasna ay sabab u tahay dayaca amni ee soo kordhay. 

“Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka,” ayuu yiri Guuleeed. 

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho, waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka, waxaa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta. 

Murashax Cabdikariim Xuseeen Guuleed ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney si miyir qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.