Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlusuna.
Saraakiishaani ayaa weerarka lagu qaaday xili ay la socdeen gaari nooca raaxada ah, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro soo kala gaaray Saraakiisha.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Bam gacmeedyo iyo rasaas fool-ka-fool ah, waxa uuna weerarkaasi khasaaro dhaawac kasoo gaaray laba Sargaal oo la socday gaariga, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Saraakiisha uu dhaawaca soo gaaray ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala Degaanka Mareergur, waxaana halka uu ka dhacay weerarka gaaray mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan.
Weerarka kadib ayay ciidamada Ahlusuna ee Degaanka Mareergur gacanta ku dhigeen ku dhawaad 7 ruux oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayen weerarka.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Ahlusuna kaa oo ku aadan weerarka lagu qaaday Saraakiishooda.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

