Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti uu booqasho rasmi ah ku tagi doono deegaano ka tirsan waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamulka Somaliland.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in ra’iisul wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed uu booqasho ku tagaa magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo Somaliland ka tirsan.
Ma jirto faahfaahin dowladda Jabuuti ay ka bixisay safarka ra’iisul wasaarahooda uu ku tagao Somaliland, balse waxaa jiro xiriir dhow uu u dhaxeeya Somaliland iyo dowladda jabuuti.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan qorshe dowladda Jabuuti ay ka leedahay deegaanada Somaliland, iyada oo dooneysa inay mashaariic ka fuliso deegaanada kala duwan ee Somaliland.
Deegaanada Somaliland sanadkaan waxaa ka dhacday abaartii ugu darneyd oo saameysay kumanaan dad iyo xoolo ah, waxaana la filayaa in Jabuuti dhankeeda ay qeyb ka noqoto dowladdaha ka gacan geysta abaarta, walow haatan roobab xoogan deegaano dhowr ah ka da’een.
Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in uusan aheyn mid siyaasadeysan laakiin uu yahay in uu booqdo dadka ay ehel yihiin oo kunool gobolka Sanaag.

