Weerarka SYL oo banaanka keenay sida ay kooxda Al-Shabaab uga faa’iideysatay…

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Weerarka ay xalay kooxda Al-Shabaab ku gashay Hoteelka SYL ayaa u muuqda mid ay kooxda kaga faa’iideysatay dabaca muddooyinkii dambe ka jiray furimaha dagaalka, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu si weyn ugu cambaareeyay weerarkan argagixiso, isagoo madaxda sare ee dalka ugu baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada AS ku qaaday Hotel SYL. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, una booga-dhayo inta dhaawaca ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu yiri “Argagaxisadu waa cadow diin, dad, dal iyo dawlad. Ramadaan oo ah bishii quraanku soo degey ayey dad Muslim ah oo maanta oo idil soomanaa, salaad taraawiix ahna u taagnaa weerar ku qaadeen.”

Xildhibaanka ayaa xusay sida ay Muqdisho uga reysatay dhagarta cadowga bilihii lasoo dhaafay, isagoo weerarkan ku sababeeyay mid ku yimid dabaca furimaha ee kooxda Al-Shabaab, xilli dhawaan ay ciidanka soo baneeyeen deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kooxda.

“Muqdisho in muddo ah ayey ka raysatay weerarradooda, waxaase muuqata in ay fursad ka heleen dabaca ka jira farumaha dagaalka,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku taliyay in dowladda Xasan Sheekh ay dhinac iska dhigto wax walba oo qaybsanaan iyo habacsanaan keeni kara, islamarkaana ay awoodeeda iskugu geyso dagaalka argagixisada.

“Waa in mudnaanta la isugu geeyo dagaalka cadawga, dibna la iskaga dhigo waxkasta oo qaybsanaan iyo habacsanaan keeni kara.”