25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Weerarkii magaalada Edmonton ee dalka Canada oo lugaha la galay Soomaali

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka danbeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Edmonton ee Xarunta gobalka alberta ee Dalka Canada.

Muwaadinka weerarka loo qabtay oo lagu magacaabo Abdulahi Sharif oo 39 sano jir ah, ayaa kamid ah soo galootiga dalkaa ku nool.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in muwaadinkaasi uu ku lug lahaa weerarka oo lagu dhaawacay Askari booliis ah iyo dad kale, markii lagu weeraray gaari dad ku sugan meel wadada ka baxsan.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo argagixiso iyo kuwa dil.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay in muwaadinkaasi uu watay calan ay leeyihiin kooxda isugu yeerta dowladda islaamiga ee Daacish, kaa oo ku jiray qeybta danbe ee gaarigiisa.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhufay gaari xawaare sare ku socday kaddibna lagu weeraray mindi.

Dhinaca kale, Justin Trudeau oo ah Ra’iisla wasaaraha Canada ayaa weerarkaasi ku tilmaamay ”weerar argagixiso”, waxa uuna ku baaqay in natiijo dhameystiran laga siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News