Weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Mareykanka oo lagu qaaday Las Vegas

Las Vegas (Caasimada Online) – Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Weerarkan ayaa ah weerarkii toogasho ee ugu dhimashada badnaa taariikhda dalka Mareykanka.

Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.

Lombardo ayaa sidoo kale sheegay in ninka weerarka gaystay la dilay.

Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 200, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay asaga oo wata qori nooca daran dooriga u dhaca ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com