Fahad Yaasiin oo looga been abuurtay inuu Baraha Bulshada uga hadlay xiisadda Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online )- Madaxtooyada Villa Somalia ayaa war cad kasoo saartay arrinta ku aadan inuu Fahad Yaasiin Baraha Bulshada gaar ahaan Twitterka uga hadlay arrinta Galmudug.

Shaqsiyaad ka been abuuranayo Magaca Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin ayaa soo dhigay warbixin ay ku sheegayaan inuu Fahad Yaasiin kasoo hor jeestay Waraaq markii horeba looga been sheegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

Xubno ka tirsan Madaxtooyada oo lasoo xiriiray Caasimadda Online ayaa sheegay inuusan Fahad wax qoraal ah soo dhigin Baraha Bulshada ku sheekeysato, inta aan hubno Fahad ma isticmaalo baraha bulshadda.

Sida ay wararku sheegayaan Fahad wuxuu ku jiraa dadka aaminsan in arrinta Gal-Mudug lagu dhameeyo wada hadal iyo qaab nabadeed isla markaasna aan marnaba la burburin Maamulkaas oo laga soo maray dhibaato xoog leh.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inay baaritaan xoog leh ku wado shaqsiyaadka ka been abuuranayo Agaasimaha Madaxtooyada isla markaasna dhawaan lasoo taagi doono sharciga hortiisa.

“Wax ka jira maleh ciwaanada Facebook-ga iyo kuwa Twitter-ka ee lagu sheegay inuu lee yahay oo uu wax ku qoray agaasime Fahad, waxaan xaqiijin karnaa inuusan Fahad Yaasiin isticmaalin Facebook iyo Twitter intaba ayey tiri Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa uga digtay warbaahinta madaxbanaan ineysan ku qaldamin oo aysan xigan ciwaanadaas been abuurka ah ee lagu isticmaalaayo maggaca Fahad Yasin.

Dhowr jeer oo hore ayaa Fahad sidaan looga been abuurtay, waxayna Madaxtooyada ugu dambeyn sheegtay inay meel fiican u mareyso baaritaanka lagu hayo shaqsiyaadkaas xad gudubka ku sameenayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Markii xil loo magacaabo qof Soomaali ah waxaa durba ku arkeysa baraha bulshadda (Social Media) maggaca masuulka xil loo magacaabay oo dhowr ciwaan lagu sameystay kuwaas oo qaarkood ay yihiin koontooyin gaar ah qaarna ay yihiin Boggag lacag lagu xiro si dad badan ay ugu soo biiraan.